Shirka Antalya: Waa sidee xiriirka Erdogan iyo Farmaajo? 

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ka baaqday shir muhiim ah oo lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo.

Warar Keydmedia Online
Shirka Antalya: Waa sidee xiriirka Erdogan iyo Farmaajo? 

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kadib waji-gabax oo uu kala kulmay dalab uu u diray Madaxweynaha Turkiga Erdogan. 

Farmaajo oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu khudbad ka jeedin doono maadaama uu kamid yahay madaxda hoggaaminaysa waddamada xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isna shirka lagu martiqaaday si uu uga jeediyo khudbad.

Ka baaqashadiisa shirkaas ayaa sabab looga dhigay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan ciidamada loo diray Eratariya oo waalidiintooda ay dalbanayaan in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin loo sheego, maadaama war iyo wacaal aan laga heyn, iyadoo in barangay waalidiintaasi ka sameeyeen magaalooyin dhowra isku soo baxyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Farmaajo.

Macluumaad aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu diiddan yahay inuu la kulmo madaxweynaha Kenya Uhuro Kinyata, waxaana la leeyahay markii uu ogaaday Farmaajo in la casuumay hoggaamiyaha Kenya uu iska baajiyay ka qeyb galka kulankaasi, iyadoo madaxda waddamada Qadar iyo Turkiga ay wadeen qorshe ay ku kulansiinayaan labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan ay isku arki lahaayeen isaga iyo Uhuro horay u baaqday, kaddib markii uu soo gaabiyay booqasho uu ku tagay waddanka Koongo halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha waddankaasi ahna guddoomiyaha Midowga Afrika.

Farmaajo ayaa si degdeg ah ugu kicitimay dalmiisa maalin kahor markii uu Uhuro Kinyata soo gaaray xarunta waddankaasi ee Kinshaasa.

Markii labaad ayuu baaqanayaa kulan la filayay inuu dhex maro labada madaxweyne ee muran siyaasadeedku ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Uhuro.

Shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, ayaa sanadkan la filayaa in ay ka soo qeyb galaan, 12 Madaxweyne, 47 Wasiir arrimo dibadeed, wakiilo ka socda ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, hogaamiyaasha ra’yiga iyo aqoonyahano ka kala socda daafaha dunida.

Madasha Antalya, waxaa looga hadlo doonaa fursadaha jira ee diblumaasiyadeed, dhibaatooyinka cunsuriyadda sii kordheysa, ajnabi naceybka iyo argagixisada khatarta ku ah guud ahaan aadanaha.

Erdogan wuxuu Farmaajo u arkaa in xilligiisii dhamaaday, waxa kaliya oo dhimanna ay tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, wuxuu doonaayaa inuu dhexdhexaadnimo u muujiyo musharixiinta ku loolameysa xilka Madaxweynaha, wuxuuna kulanka Farmaajo kaga dheeraaday in aan loo fahmin inuu dhisayo taliskii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.