Farmaajo oo ka soo horjeestay go’aankii Rooble

Hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, ayaa ka soo hor yimid go'aankii uu gaaray Rooble, ee ahaa in dib loo celiyo lacag Imaaraadka looga qabtay garoonka Muqdisho sanadkii 2018.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ka soo horjeestay go’aankii Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa wareegto ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe in aan la bixin karin lacagtii sanadkii 2018 gigada diyaaradaha looga qabtay dowladda Imaaraadka, taasoo shalay uu Rooble amray in dib loogu celiyo dalkii lahaa lacagtaas, oo dhan 10 Milyan oo Dollar.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa warqadda ku sheegay in aan "sifo sharci darro ah" looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta sida sharci darrada ah dalka lagu soo geliyey ee Hay'adaha Ammaanka qabteen", tani ayaa imaanaysaa xilli Rooble uu fasaxay Jimcadii shalay lacagtaas oo Imaaraadku leeyahay.

Hoggaanka sharci daradda ku fadhiya Villa Somalia, ayaa sheegay in sifo sharci darro ay dalka ku soo gashay lacagtaas, isagoo xusay in aan lagu bixin karin amar ka soo baxay hal masuul, oo uu ula jeedo go'aankii Ra'iisul Wasaaraha dalka.

Farmaajo oo raba carqalad siyaasadeed oo hor leh, ayaa tibaaxay in lacagta aan laga bixin karin qasnada dowladda, waxaase laga dhursugayaa go'aanka uu gudoomiyaha bankiga dhexe, ka qaato amarrada is diiddan ee ay soo kala saareen, Farmaajo iyo Rooble.

Mas'uuliyiin ka tirsan Hay'addaha Dowladda oo KEYDMEDIA la hadlay ayaa shaki gallinaya in lacagta ay weli baaqi ku tahay qasnada Bankiga Dhexe ee dalka, iyagoo sheegaya in goor hore lagala baxay, waxaase xaqiiq ahaanshaha arrintan bidhaamineysa, jawaabta uu gudoomiyaha Bankiga Dhexe bulshada la hor yimaado.

Qatar ayaa sidoo kale arrintan saameyn weyn ku leh, iyagoo sida la tilmaamayo dabada ka riixaya Farmaajo, waana tan sababtay inuu soo saaro, warqada uu u diray gudoomiyaha bankiga dhexe.

Lacagta imaaraadka garoonka Muqdisho looga qabtay, bishii April sanadii 2018-ka oo gaareysa in ku dhaw, 10 Milyan oo Dollar ($9.6 million), ayaa saarneyd diyaaradda Royal Jet ee Imaaraadka, waxeyna ku socotay sida ay sheegeen, safaarada uu dalkaas ku leeyahay gudaha Soomaaliya.

Arrimaha la xiriira lacagtan, ayaa iminka laga cabsi qabaa in ay sii huriso, xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo mudooyinkii danbe aad u cakirneyd, iyadoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin shirka gollaha wadatashiga, oo Muqdisho ka socda muddo ku dhaw toddobaad.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.