Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii xalay la laayay

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu laayay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii xalay la laayay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” ayuu yiri madaxweynaha oo ka tacsiyeenayay geerida saraakiisha ciidanka booliska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladihii ka horreeyay xilligooda wuxuu ku eedeyn jiray in dowladahaasi ay tacsi uun caado ka dhigteen intii ay wax qabad iyo ka hor-tag ay la imaan lahaayeen, waxa uuna ku dhaliili jiray doorkooda wax qabad la'aanta ah ee ku aaddan weerarada ururka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.