Farmaajo oo kasamri la’ muddo kordhintii lagu diiday

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo oo ka samri la' muddo korhinta lagu diidan yahay ayaa billaabay in uu dadka ka hadashiiyo sidii caadada u ahayd.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo kasamri la’ muddo kordhintii lagu diiday

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo oo muddo xileedkiisu ku ekaa 8 -dii Febaraayo ayaa wali si sharci darro ah ku fadhiya kursigii ugu sarreeyay dalka ee Villa Somalia. Markii uu xaqiiqsaday in muddo laba bil iyo afar cisho ah uu sharci darro ku joogo xafiiska Villa Somalia ayuu hal Aqal oo kamida labadii aqal ee doortay weydiistay muddo kordhin.

Saddex kamida dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xubnaha wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Q.M. Midowga Afrika iyo EU ayaa gabi ahaanba diiday muddo kordhinta, waxa ayna ku tilmaameen mid sharciga baal marsan.

Qabaa'illadii Muqdisho degganaa qaar kamida ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga soo hor jeesteen go'aankii Golaha Shacabka BJFS ee labada sano oo dheeriga Farmaajo loo saxiixay!

Si cadaadiskaas iyo aragtiyadaa ka duwan loo lumiyo ayuu billaabay Farmaajo inuu maal geliyo shirar maqaar saar ah oo looga been sheegayo aragtiyada bulshada, siyaasiyiin hore oo ku soo fashilmay siyaasadda iyo qaar kamida shaqaalaha dowladda, ayuu Farmaajo shalay ku shiriyay Hotel Royal Plaza ee Muqdisho.

Maanta ayuu haddana abaabulay shir kale isagoo raadinaya taageero, waxa uuna meel isugu keenay shakhsiyaad lagu sheegay in ay yihiin madaxda Axsaabta siyaasadda Soomaaliya, waxaana kamida oo ka dhex muuqday mid kamida lataliyayaashiisa siyaasadda Farmaajo, Cali Maxamed Geeddi oo horay usoo noqday Ra'iisul Wasaare lumiyay kalsoonida Golaha Shacabka, laguna eedeeyo inuu qeyb ka ahaa shakhsiyaadka loo heysto xasuuqii Muqdisho 2007 -dii ayaa kasoo muuqday guddoomiyayaasha Axsaabta maanta ku shirtay Muqdisho.

Farmaajo wuxuu ka samri la' yahay diidmada qayaxan ee ka imaanaysa Saamileyda siyaasadda iyo Saaxiibada Soomaaliya, waxa uuna xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee dowladda uu kasoo uruurinayaa shaqaalihii mushaariga ahaa kuwaasoo uu leeyahay itaageera!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].