Farmaajo oo ku baaqay kulan wadatashi ah

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir kale isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ku baaqay kulan wadatashi ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

Shirkan ayuu ku baaqay in 15 -ka Febaraayo lagu qabto magaalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, Farmaajo ayaa tilmaamay inuu dhammeystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17 -kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee 26-kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Spomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya tallaabo kasta oo suurta galin karta inuu sii joogo kursiga, isagoo diidan fulinta sharciga iyo dastuurka dalka u yaal, waxa uuna tiro aan yareen ku tuntay dastuurka dalka u yaal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.