Farmaajo oo ku guuleystay jahawareerinta kiiska Ikraan

Farmaajo, tan iyo markii uu soo if-baxay kiiskaan, wuxuu ku jiray dagaal siyaasadeed, wuxuuna si buuxda u hor is taagay hay’adaha garsoorka ee Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta u xil-saaray baaritaanka kiiska.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ku guuleystay jahawareerinta kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya - 8 September 2021, Farmaajo, ayaa isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka, kaas uu sheegay in ay 18-ka Sebteembar 2021, ay isku imaanayaan, si loo dhageysto warbixinta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ee ku saabsan dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta eedeysane Fahad Yaasiin.

39 maalmood ayaa ka soo wareegtay xilligii uu warkaan ka soo baxay xaafiiska Farmaajo, halka 29 maalin laga joogo xilligii la qorsheeyay in la qabto kulanka Golaha Amniga, si kooxda Fahad Yaasiin looga dhageysto warbixinta ay soo dhoodhoobeen.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi, madaxa warbaahinta Xafiiska Farmaajo, ayaa 18-ka Sebteembar, shaaciyay inuu dib u dhacay shirkii la filayay, wuxuuse xusay in ay dib kasoo sheegi doonaan jadwalka cusub ee shirka.

Tan iyo xilligas ma jiro, wax war ah oo arrinkaas la xariira oo ka soo baxay xaafiiska Farmaajo, tas oo ka dhigan in aysan wax warbixin ah heyn kooxda ku eedeysan kiiska Ikraan, oo ah gabar ka tirsaneyd NISA, ruuxeeda iyo raqdeedana la wayay 26-kii Juun 2021.

Isla-maalintaas, Farmaajo, ayaa qaaday tallaabo u muuqata is-miidaamin siyaasadeed, kadib markii uu xil cusub u magacaabay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin, isla-markaana uu dallacsiiyay Taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir Yaasiin Farey, oo labaduba ku eedeysan af-duubka iyo dilka Ikraan Tahliil.

13 September 2021, waraaq ka soo baxaday Xaafiiska Farmaajo, ayaa lagu magacabay wax loogu yeeray (Guddi Qaran)  oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Magacaabiddaan oo u muuqata mid lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan, oo la rumeysan yahay in Farmaajo uusan dhexdhexaad ka ahayn, ayaa lagu sheegay in xubnaha la magacabay looga baahan yahay in ay howsha loo diray u gutaan si xilkasnimo leh, hayeeshee, wali wax shaqo ah ma aysan qaban.

Farmaajo, tan iyo markii uu soo if-baxay kiiskaan, wuxuu ku jiray dagaal siyaasadeed, wuxuuna si buuxda u hor is taagay hay’adaha garsoorka ee Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta u xil-saaray baaritaanka kiiska.

Wuxuu awood ciidan u adeegsaday baabi’inta raadadkii kiiska, wuxuuna Taliyaha Nabad-sugidda Bashiir Goobe, ka hor taagan yahay xarunta hay’adda ee Habar Khadiijo, wuxuuna carqalad ku yahay hirgalinta doorashooyinka.

Fowdada siyaasadeed iyo waraaqihii ka duwnaa ee uu soo sarayay 40-kii cisho ee la soo dhaafay, wuxuu u jeedkoodu ahaa inuu marin habaabiyo kiiska, taasina waxa ay u muuqataa mid hirgashay maadaama uu ku guuleystay inuu hor istaago baaritaanka hay’adaha garsoorka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.