Farmaajo oo ku wareersan labo wado midii uu mari lahaa

Waxaa isa soo taraya cadaadiska Beesha caalamka iyo baaqyada in dib uu ugu laabto Miiska wadahadallada doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ku wareersan labo wado midii uu mari lahaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ka fekeraya labo wado midii uu marai lahaa kadib markii ay kusoo xoogeysteen baaqayada iyo cadaadiska uga imaanaya Beesha caalamka.

Inuu ku adkaysto Muddo-kordhinta, oo labo sano dalka sii xukumo iyo inuu ka tanaasulo damacaas oo dib ugu laabto miiska wadahadalka, islamarkaana ogolaado inay doorasho dhacdo sanadkan gudihiisa.

Hadii uu diido baaqa beesha calaamka, waxaa dhici karta in Farmaajo cunaqabateyn la saaro iyo xayiraado dhinaca safarka, taasoo Mareykanka iyo Midowga Yurub dhawaan ay ugu hanjabeen.

Waxaa haysta Farmaajo labo daran mid dooro, inuu muddo-kordhinta ka noqdo ama inuu liiska madow ee Mareykanka galo, taasoo dhaawacayso mustaqbalkiisa siyaasadeed isaga iyo kuwa kale ee kala shaqeeyay in labo sano loogu daro.

Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub iyo Mareykanka dhamaantooda waxay isku raaceen diidmada Muddo-kordhinta sharci darrada ah, iyagoo sheegay inay khatar gelinayso amaanka qaranka iyo midka gobolka, waxayna hoosta ka xaqriiyeen in hadiii dhexdhexaadinta lagu guul-dareystay la cunaqabateeyo Farmaajo.

Farmaajo wuxuu waayay taageeradda Midowga Afrika taasoo dhawaan u tagey Congo, oo kula soo kulmay dhigiisa dalkaas oo hadda ah gudoomiyaha Ururka, waxaana muuqata inuu taligii-taliyaha ku socdo wado afka hore ka xiran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.