Farmaajo oo lagu dhegan-yahay iyo go’aanno lasoo saarey

Qoraal ka kooban afar qodob ayay Musharixiinta mucaaradka soo saareen Maanta [Axad, August 29], iyagoo eedeyn culus u jeediyay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu dhegan-yahay iyo go’aanno lasoo saarey

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa markale kulan isagu yimid Muqdisho 29-ka August, waxayna uga hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay kasoo saareen kulanka oo saacado socday qoraal ka kooban afar qodob, oo ay ku fahfaahiyeen ujeedka shirkooda iyo waxyaabihii diiradda ku saareen.

Waxay ku eedeeyeen Farmaajo inuu mas'uul ka yahay dib u dhaca doorashadda, islamarkaana uu doonayo inuu waqtiga kusii dheeraysto, maadaama uu ogyahay inaan dib loo soo dooran doonin hadii dalka doorasho galo.

Musharixiinta ayaa walaac xoog leh ka muujiyay faragelinta joogtada ah, ee uu Farmaajo ku hayo doorashadda oo khilaafkeeda uu dhamaan la'yahay, iyadoo waqtigana sii dheeraanayo.

Waxay tilmaameen inay doonayaan in dalka doorasho xor iyo xalaal ah, oo lagu wada qanacsan yahay ka dhacdo, balse taasi uu hortaagan yahay Farmaajo, oo waxwalba oo lagu heshiiyo gadaal ka fur-furaya.

Gudii la sameeyay inuu xaliyo khilaafka habraaca cusub ee doorashadda Aqalka Hoose waxuu ka shaqeyn waayay Farmaajo, sida ay sheegeen Musharixiinta, kadib markii uu Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor oo isaga taabacsan ay ka qeybgali waayeen wadahadallada socday, iyagoo ka biyo diiday in wax laga bedelo go'aannadii kasoo baxay Shirkii Afisyooni.

Madaxda Maamullada waxay habraaca cusub ay ka dhex arkeen danahooda, maadaama loo gacan-geliyay doorashadda Aqalka Hoose, oo iyaga awood loo siiyay inay go'aan ka gaari karaan ergada iyo cida ay dooranayaan.

Sida lamid ah, kuraasta Aqalka Sare ayay kuwa Aqalka Hoose khatar ugu jiraan in la boobo, waxaana muuqata inay dhacayso doorasho ka musuq-maasuq badan midii 2016-2017.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.