Farmaajo oo loogu baaqey inuu joojiyo abaabulka dagaal

Wasiirkii hore ee Warfaafinta, ahna hadda Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Farmaajo uu duulaan ku yahay Shirka ka socda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo loogu baaqey inuu joojiyo abaabulka dagaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Musharixiinta Shirka uga socda maalintii 3aad ayaa shaaciyay in Farmaajo uu wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah kulankooda, oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Wuxuu sheegay in Shirka ay u fureen qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno katirsan dowladda iyo qof kasta oo daneeya dowladnimada Soomaaliya uu u furan yahay, iyadoo Maanta uu ku biiray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Musharax Daahir Geelle wuxuu xusay in sunadii qori isku dhiibka hogaanka dalka uu hadda khatar ku jirto, islamarkaana ay ka cabsi qabaan inay shacabka dhaafto doorashadda, isagoo ku eedeeyay Farmaajo inuu maleegayo afgembi dadban.

Musharixiinta oo gaaraya 14 ayaa la filayay Maanta inay Shirka soo afjaraan, islamarkaana kasoo saaraan war-murtiyeed, laakiin waxaa muuqata in lasoo dheraayay, oo lagu daray maalmo kale si culeyska loogu saaro Farmaajo inuu bedelo gudiga doorashadda.

"Madaxweynaha waxaan u sheegaynaa in looga baahan yahay doorashooyin nabad ah, ha joojiyo colaadda uu hurinayo iyo awood-marooqsiga," ayuu yiri Daahir, isagoo intaasi ku daray inay heleen xog ku saabsan in DF duulaan ku tahay Shirka ka socda Jazeera Hotel.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.