Farmaajo oo Muqdisho kusoo daabulay ciidamo beeshiisa ah

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha uu beeshiisa ku hubeynayo Madaxweyne Farmaajo, waana 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Muqdisho kusoo daabulay ciidamo beeshiisa ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga xileedkiisu dhammaanayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciidan ku beel ah wuxuu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aad u tiro badan.

Ciidamadan ayuu ka keenay gobolka Gedo, kuwaasi oo bilihii ugu dambeeyey lasoo daabulayey, waxaana haatan la keenay magaalada Muqdisho.

Dhammaan ciidamada hadda ilaaliya Villa Somalia ayaa ah kuwo kasoo jeeda beesha Madaxweyne Farmaajo, waxaana sidoo kale ay yihiin kuwo loo dhiibay koontaroolada lagu sugo amniga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa furumaha dagaalka iyo gobollada dalka u diray ciidankii joogay Muqdisho ee u badnaa beesha Hawiye, wuxuuna ka kaxeeyey ciidamadaasi magaalada Muqdisho. 

Waxaa jira ciidamo kale oo isla beesha Hawiye ah, kuwaasi oo tababar loogu qaaday Dalka Eretria, hase ahaatee halkaasi ay aad ugu soo dhibtoodeen.

Qaarkood waxaa magaala Muqdisho la keenay iyaga oo xanuuno kala duwan qaba sida TP iyo xanuuno kale.

Farmaajo ayaa aad u qalabeeyey ciidanka beeshiisa, asigoo siiyay hub culus, wuxuuna dhowr jeer isbedel ku sameynayo taliska Ciidanka xoogga iyo Booliska dalka Soomaaliya, asigoo xilka u dhiibay ragg kasoo jeeda beeshiisa. 

Inta badan taliyeyaasha uu Farmaajo xilalka u magacaabayo waa kuwa beeshiisa kasoo jeeda, ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka in dowladda haatan jirta noqotay midii ugu xumayda oo la degtay musuq-maasuq iyo nin-jeclaysi.

Madaxweynaha ayaa doonaya markale in la doorto, iyadoo afartii sano ee uu kursiga ku fadhiyay uu dalka geliyay nidaam kaligii talisnimo ku dhisan iyo jahwareer siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.