Farmaajo oo Odayaal u diray Gedo, kuwa Mucaarad ahna ku celiyay Muqdisho

Odayaashaan ayaa ah kuwa uu Farmaajo doonayo inay soo doortaan Xildhibaanno taabacsan, oo uu rabo inay u codeeyaan doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo mar 2aad musharax u yahay inuu tartamo Oct 10.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Odayaal u diray Gedo, kuwa Mucaarad ahna ku celiyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolan adag ayaa ka socda Degmada Garbahaaray ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasoo uu ka jiro hardan loogu jiro 16-ka kursi ee Baarlamaanka 11-aad ee loo qoondeeyay gobolka, oo beesha Farmaajo [Mareexaan] ku badan tahay.

Wararka ay keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in diyaarado siday odayaal dhaqameed  laga dejiyay magaalada Garbahaaray labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo uu Muqdisho ka diray Farmaajo.

Odayaashaan ayaa ah kuwa uu Farmaajo doonayo inay soo doortaan Xildhibaanno taabacsan, oo uu rabo inay u codeeyaan doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo mar 2aad musharax u yahay inuu tartamo Oct 10.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in saraakiil taabacsa Villa Soomaaliya iyo odayaasha ay la kulmeen waxgaradka magaalada Garbahaaray, ayagoo kala hadlay sidii kuraasta taalla magaalada loogu gacan-gelin lahaa kooxda Farmaajo.

Tani ayaa imaanaysa xili uu Rooble wado dadaallo lagu xalinayo khilaafka dowlada dhexe iyo Jubbaland, ee ku saleysan doorashadda Garbahaarey oo noqotay mid Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay ku tartamayaan.

Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa u daabulay magalada Garbahaaray Odayaashii soo xulu lahaa Xildhibaanada, kuwaasoo loo dhiibay liiska xubanaha ay soo dooran doonaan, kuwaasoo intooda badan ah rag katirsan Villa soomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in Fahad Yaasiin  uu is hortaagay in ay Muqdisho ka dhoofaan Musharixiin mucaarad ku ah Farmaajo oo doonayay inay u tartamayaan kuraasta, waxayna ku xayirmeen Caasimadda dalka.

Waa jiha cusub oo ku aadan khailaafka farmaaji iyo  Axmed Madoobe,waxa ayna tani ka dambaysay kadib markii khamiistii ay Jubbaland  diiday in lataliyaha doorashooyinka Farmaajo Cali Cabdi Raage uu yimaado Kismaanyo, ayadoo ku eedaysay in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin.

Cali ayaa doonayay in uu tartamo kursi deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaanyo oo uu hadda ku fadhiyo C/rashiid Xidig, waxaana laga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada.

Farmaajo ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u maraya sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa 16-ka kursi ee taala magaalada Garbahaaray,wuxuuna hadda doonayaa inuu awood militeri adeegsado, ayadoo ciidamo uu horay u geeyay magaalada Garbahaaray, maantana diyaarado lagu geeyay saraakiil ka socotay madaxtooyada Soomaaliya.

Wejiga cusub ee khilaafka Farmaajo iyo Jubbaland ayaa laga cabsi qabaa in uu dib-u-dhac horleh ku keeno doorashooyinka loo madalsanyahay inay dalka ka qabsoomaan, islamarkaana dadaaladii uu waday Rooble ee la isgu soo dhawaynayay labada dhinac ay lugta ku dhufteen Farmaajo iyo Fahad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.