Farmaajo oo saxiixay Heshiiska doorashooyinka dadban

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay heshiiskii doorashooyinka dadban ee ay markii horeba si wada jira u soo saareen isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo saxiixay Heshiiska doorashooyinka dadban

MUQDISHO, Soomaaliya - Xalay saqdii dhexe ayuu soo saaray Madaweyne Farmaajo waraaqda saxiixa heshiiska doorashooyinka dadban ee ay markii horeba isaga iyo madaxda dowlad goboleedyadu ku gaareen Villa Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa la hor geeyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka iyo Golaha Aqalka Sare, si wadajir ah ayey cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu sii amba-qadidda hannaanka waxa uu ugu yeeray dimuqraadiyadda ee dalka iyo in ay qabsoonto doorasho saldhiggeedu yahay heshiiskii doorashooyinka dalka ee Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ku gaareen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 17-kii Sebteemar 2020.

“Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka"

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey madaxda Dowlad Goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Dhuusamareeb iyo Muqdisho" ayaa lagu yiri war qoraala oo lagu shaaciyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Habraacii doorashooyinka ee lagu heshiiyay Septemebar sidii loo asteeyay uma dhaqan galin. waxaana muddo ku dhaw 2 bilood la qabtay oo kaliya in lasoo dhiso guddigii doorashooyinka, welina ay u harsan yihiin tabar siintoodii, waxaa la dhaafay xilligii soo xulistii ergooyinka, iyo tabar siintooda umana muuqato in doorashad waqtigeeda ay ku dhici doonto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.