Farmaajo oo saxiixay Xeer Indhaha Saxaafadda isaga jeediyay

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku dhawaaqday inuu Madaxweyne Farmaajo qalinka ku duugay Xeerka Saxaafadda, kaasoo shaacintiisa lagu soo beegay xili Villa Soomaaliya cadaadis la kulmayso.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo saxiixay Xeer Indhaha Saxaafadda isaga jeediyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo saxiixay xeerka Saxaafadda, oo July 8 2019 and 14 January 2020, ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, kaasoo ay ku jireen qodobo lagu carurinayo warbaahinta madaxa-banaan.

16-kii January, 2020 ayaa xafiiska Madaxweynaha loo gudbiyay xeerkan, iyadoo hay'adaha u dooda xoriyadda saxaafadda ay ku baaqayeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada xadidiya wariyaha, sidoo kalena faaf-reeb ku sameynaya tebinta wararka xasaasiga ah.

Waa sharciga lidi ku ah xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo lagu soo beegay ansixintiisa xili indhaha ay kusoo jeedaan Villa Soomaaliya, oo Madaxweynaha laga sugayay magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Suxufiyiinta ayaa ku shaqeynaya Cadaadis iyo Weeraro lala beegsado, iyadoo dowladda hadda meel-marisay xeer cusub oo lagu caiqaabayo wariyihii sheega war aan raali-gelinaynin Maamulka Farmaajo, oo waqtigiisa sii dhamaanayo.

Waxaa nasiib darro lagu tilmaamay in suxufiyiinta ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado iyadoo dalka u diyaar garoobeyso doorashada guud, islamarkaana saxaafad xor ah ay tahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.