Farmaajo oo shacabka awood u adeegsanaya si ay u taageeraan

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in shacabka Muqdisho ku tageeran si xoog ah, isaga oo raba inuu isugu soo bixiyo dibadbax isaga lagu taageerayo

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo shacabka awood u adeegsanaya si ay u taageeraan

MUQDISHO, KON - Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan duqa Muqdisho Cumar Filish ayuu kulan kula yeeshay Villa Somalia, wuxuuna faray in loo sameeyo dibadbax isaga lagu taageerayo, sida ay ogaatay Keydmedia Online.

Intaasi kadib, Cumar Filish ayaa isugu yeeray dhammaan guddoomiyeyaasha Muqdisho, wuxuuna shaqsi walba u sheegay in looga baahan yahay inuu keeno haween ka qeybgala dibadbaxa.

Dibadbaxa ayaa la qorsheeyey in lagu qabto Taalada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo la rabo in la isugu keeno haweenka lasoo qasbay.

Haddii ay dhacdo in dadkan xoog la isugu keeno, waxaa su'aal ay ka taagan tahay sida dibadbaxan uu ku dhici karo, maadaama DFS ay awood ku joojisay dibadbixii looga soo horjeeday Farmaajo, walibana shacab masaakiin ah lagu laayay.

Dhanka kale, maalinta Jimcadda ayaa waxaa la filayaa in uu dhaco banaanbax baaxad weyn oo looga soo horjeedo Xukuumadda Farmaajo. 

Farmaajo oo markaan siyaasad ahaan xaalka uu ku xun yahay ayaa doonaya inuu la yimaado xeelad walbo oo uu talada dalka ugu soo laaban karo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.