Farmaajo oo sheegay inuu shaqada ka joojiyay RW Rooble

Waxaa lagu tilmaamay tallaabadan is-miidaamin siyaasadeed, oo keeni karta in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed oo dagaal horseedi karta.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo sheegay inuu shaqada ka joojiyay RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Mudo-xileedkiisa dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu shaqo-joojin ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu shaaciyay go'aankan oo loo cuskadey qodobo dastuurka ku qoran, balse Madaxweyne waqtigiisu dhacay aan adeegsan karin sharci ahaan.

Wuxuu u sababeeyay Farmaajo go'aankiisa in Rooble uu qaadey tallaabooyin aan laga fiirsan, oo uu sheegay inay dalka u jiheynayaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble uu sameeyay arrimo dastuurka kasoo horjeeda, oo ay kamid yihiin isku day ku xad-gudub xaquuqda iyo mushaarka Ciidamada qalabka sida ee dalka.

Isagoo sii wata hadalkiisa, Farmaajo ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeyay uusan Rooble xil magacaabi karin, sidoo kalena xil dad ka qaadi karin, inta laga dhameystirayo doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhri qoraalka Farmaajo:

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood;

Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.