Farmaajo oo shir isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shir, kaddib wada-hadalladii isaga iyo xubnihii ka socday beesha caalamka ee maanta ku shiray Villa Somalia

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo shir isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda waxaa madaxweyne Farmaajo uu shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

Sida lagu qoray qoraalka Madaxweynae Maxamed Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go'aanadan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir isugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Xubnihii beesha caalamka ee maanta booqday xarunta dowladda ee Villa Somalia waxay cadaadis ku saareen in la xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka, waxayna horay u sheegeen in aan la aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, mid bar-bar socota iyo qalalaase.

Danjiraha Dowladda Mareykanka Donal Yamamoto ayaanan ka soo muuqan kulankii maanta, waxaana danjiraha sida la sheegay kaliya uu ku egyahay xeyndaabka xerada Xalane, dowladda ,Mareykankana uma ogola inuu usocdaalo meel ka baxsan xerada xalane, marka laga reebo gobollada kale ee dalka, waxaan xaalad amni awgeed loo diiday inuu magaalada muqdisho gudaheeda safar ku aado danjiraha dowladda Mareykanka Donal Yamamoto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.