Farmaajo oo shir isugu yeeray MDG iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Muddadu ka dhamaatay ee Farmaajo ayaa shir wada-tashi ah isugu yeeray Madaxda Maamul goboleedyada iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo shir isugu yeeray MDG iyo Gobolka Banaadir

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir iskugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir, kaas oo socon doona 18-ka iyo 19-ka bishaan oo ah maanta iyo birri.

Shirkaas  waxaa lagu dhameys tiri doonaa arrimihii ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo

War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yri;

“1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soo jeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.

Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada ayaa la rajeynayaa in ay maanta ku soo aruuraan Magaalada Muqdisho, oo hore Maamulada Puntland iyo Jubbaland u soo jeediyeen in lagu qabto shirka wada-tashiga.

KEYDMEDIA ONLNIE

Commenting is not available in this channel entry.