Farmaajo oo taageeray howlgalka dowladda Itoobiya ee TPLF

Farmaajo oo saaxiib dhow la ah Abiy Axmed ayaa taageeray howlgalka Dowladda Itoobiya ee TPLF. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo taageeray howlgalka dowladda Itoobiya ee TPLF

MUQDIHSO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageero ballaaran u muujiyey howlgalka Milatari ee dowladda Abiy Axmed ka waddo gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa kulan ay Villa Somalia qarisay wuxuu la yeeshay la taliyaha amniga Itoobiya kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay Keydmedia Online ogaatay. 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Wadanka Itoobiya, gaar ahaan dagaallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF, wuxuuna Farmaajo muujiyey inuu taageersan yahay howlgalka ay waddo dowladdaasi.

Amb. Jamaludin Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in La taliyaha amniga qaranka Itoobiya iyo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ahaa kulankooda mid si wanaagsan kusoo dhammaaday, iyadoo Farmaajo uu u muujiyey garab istaag dowladda Abiy Axmed.

Safiirka ayaa sheegay in Farmaajo uu sheegay in dowladdiisa ay garab taagan tahay mar walbo midnimada Itoobiya.

Wasiirkii hore ee amniga DFS ayaa xilka looga qaaday kadib markii uu war kasoo saaray xaaladda dalka Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.