Farmaajo oo u hambalyeeyay Moussa Faki

Moussa Faki Mahamat ayaa ku guuleystay inuu taageero ka helo 51 ka mid ah 55 dowladood oo xubin ka ahaa codbixin qarsoodi ah si uu ugu guuleysto markii labaad hoggaanka fulinta ee Midowga Afrika.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo u hambalyeeyay Moussa Faki

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya oo fariin hambalyo ah u dirtay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Dr. Monique Nsanzabaganwa oo mar labaad loo dooraty Hoggaanka Midowga Afrika.

Qoraal kasoo baxay Mataxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada”.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Farmaajo xusay  in Soomaaliya sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenyta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.