Farmaajo oo u hambalyeeyay walaalkiis Abiy Axmed

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo u hambalyeeyay walaalkiis Abiy Axmed

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay adduunka oo dhan ee u hambalyeeya Abiy Axmed, kadib guushii xisbigiisu ka gaaray doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii hore.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Farmaajo ku sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta Xukuumadda Abiy si loo sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan midka Bariga Afrika.

“Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta xukuumaddisa, si loo sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeenna shacab iyo gobolka oo dhan.” Ayuu yiri Farmaajo.

Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa bartamihii sanadkii 2018, ku dhawaaqay is-kaashi dhex maraya Saddexda waddan, kaas oo salka ku hayay arrimo siyaasadeed, hayeeshee, Jilaayaashu ku sheegeen, isku xirka xaaladda amni iyo kobaca dhaqaalaha dalalkan.

Heshiiskaas, wuxuu sababay in Farmaajo uu kumanaan askari oo Soomaali ah oo tababar loogu diray dalka Ereteriya u diray gobolka Tigray dhamaadkii sanadkii hore si ay uga qayb qaataan dagaalka ciidamada difaaca Itoobiya la galeen kooxda TPLF.

Askartaas Soomaaliyeed ayaa wali la la’yahay, waxayna wararku sheegayaan in badankood ay ku dhinteen dagaalkii Tigreega, halka qaarna ay maxaabiis ahaan u uqabatay kooxda TPLF oo dhawaan magaalada Mekelle kusoo bandhigtay kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.