Rooble oo lagu wareejiyay hirgelinta doorashada

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo oo la hadlayay Golaha Shacabka BJF ayaa ka codsaday Golaha in ay la qaataan go'aankii uu qaatay isaga ee ahaa in lagu laabto heshiiskii 17 -ka September.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo lagu wareejiyay hirgelinta doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo wuxuu Aqalka Hoose ee baarlamaanka u sheegayaa in Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu horseedi doono hirgelinta doorashada iyo amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu si rasmi ah uga codsaday baarlamaanka inuu soo celiyo heshiiskii 17 -ka September 20220.

Farmaajo oo u muuqda in uu kasoo dabcay go'aankiisii hore ee aan tanaasulka laheen ayaa si rasmi ah uga codsaday xildhibaanada Golaha Shacabka. 

140 Xildhibaan oo kulanka fadhiyay ayaa dhammaantood aqbalay.

Wixii Faah-Faahin ah kala soco KEYDMEDIA ONLINE

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.