Farmaajo oo wada tabihii uu doorashada ku boobi lahaa

Musharixiinta ayaa kasoo horjeestay doorasho shalay ay Gudiyadda ku dhigteen hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha, oo gudoon cusub ku doorteen.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo wada tabihii uu doorashada ku boobi lahaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa soo saarey qoraal ay ku sheegeen in tallaabada ay "Guddiga sharci darrada ah" guddoonka ku doorteen ay tahay mid Farmaajo isaga dhega tirayo baaqii Musharixiinta ee ahaa in la qabto doorasho la isla ogol ahay.

Waxay sheegeen in Farmaajo oo qaadi doono mas'uuliyadda cawaaqibka ka dhasha diidmada in dalka ay ka dhacdo doorasho ku dhacda waqtigeeda, oo xor iyo xalaal ah, iyagoo intaas raaciyay inay qaban doonaan shir kale oo looga hadlayo badbaadinta dalka iyo kahor tagga firaq Dastuuri ah.

Musharixiinta ayaa magacaabey gudiga badbaadada doorashadda Soomaaliya oo ka kooban 28 xubnood, waxaana muuqata inay ka dhabeynayaan qabashadda doorashooyinka, hadii Farmaajo ku adkaysto go'aankiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.