Ganacsiga Qaadka oo wali ka macaashaya Farmaajo Walaalkiisa

Farmaajo ayaa markii uu hantay kursiga dalka ugu sareeya ku kacay xadgudubyo kala duwan, isagoo masuq maasuqay dhaqaalo aad u fara badan, taasoo iminka ay baaritaan ku hayaan guddi madaxbanaan.

Warar Keydmedia Online
Ganacsiga Qaadka oo wali ka macaashaya Farmaajo Walaalkiisa

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo si sharci darro ah ku jooga Villa Somalia, ayaa walaalkiis ka macaashaya ganacsiga Qaadka oo xilligan Soomaaliya uga yimaada dalka Itoobiya, kadib markii qaab siyaasadeysan loo joojiyay midka Kenya 2020.

Farmaajo ayaa markii uu hantay kursiga dalka ugu sareeya ku kacay xadgudubyo kala duwan, isagoo sameeyay masuq-maasuqay dhaqaalo aad u fara badan, taasoo hadda ay baaritaan ku hayaan guddiyo madax-banaan iyo hay'addo caalami ah.

Masuq-masuqa uu ku kacay Farmaajo, ayaa waxaa kamid ah in xubno ka mid ah qoyskiisa ugu gacan-galiyey ganacsiga Qaadka, waxaana uu joojiyey Miirowga ee ka imaan jiray Kenya, isagoo ku ganabaya dacwadii bada ee labada dal u dhaxeysay.

Farmaajo ayaa qorshahaasi uga dan lahaa inuu cuna-qabateeyo ganacsatadii Qaadka ka keeni jirtay Kenya, isagoo fursad u arkay midka Itoobiya, oo uu wakiil uga dhigtay walaalkii Xasan Farmaajo, oo haysta maamulka guud ahaan Qaadka kasoo dega Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ganacsiga Qaadka hareeriga Itoobiya, ayaa noqday mid dhaqaalaha laga helo ku kooban Xasan Farmaajo, lamana oggola in cid kale ay ninkaasi la sameyso tartan ganacsi, oo ay iyaduna la gasho Itoobiya heshiis ganacsi oo dhanka Qaadka ah, waxaana loo hanjabay qaar ka mid ah ganacsatadda kadib markii ay sameeyeen isku dayo arintaasi la xiriira.

Farmaajo, oo ganacsigan dhaqaale badan ka hela bil walba, ayaa wax walba u huray si uu usii socdo, isagoo iminka Itoobiya uga badashay kaluunka dalka, taasoo ay cabasho badan ka timid.

Xasan Farmaajo ayaa Qaadka qiimo jaban kaga soo dhoofsada Itoobiya, waxaana uu iibiyaa lacag waali ah, iyadoo kiiladii Qaadka ah suuqyada Muqdisho ay ka joogto lacag dhan $40 Dollar, waana tan ay ka cabanayaan haweenka Qaadka iibiya oo iyagu ah kuwa dan yar ah oo ubad u badan agoon uga raadiya nolasha maalin-laha ah.

Haweenkan ayaa dibadbixii ugu danbeeyey dhigay labo cisho kahor, waxaana Xasan Farmaajo oo ka carooday inay dareenkooda muujiyaan, uu ku dalbaday Ciidamo isugu jira boolis iyo NISA, kuwaasoo rasaas ku kala raacdeeyey, iyadoo arintaasina uu dhagaha ka xirtay inuu ka jawaabo Farmaajo, oo u muuqda mid tallaabadaasi u riyaaqay.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.