Farmaajo oo Warqado ka guddoomay Safiir cusub

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriiska u fadhin doona Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Warqado ka guddoomay Safiir cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhin doona Soomaaliya Kate Foster.

Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

War qoraala oo kasoo baxay xafiiska Villa Somalia ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa"

Danjiraha cudub ee boqortooyada Ingiriiska ayaa badashay danjirihii isaga ka horreeyay kaasoo waqtigiisii shaqada uu dhammaaday, waxaana si rasmi ah shaqadii maanta ugu wareegay Kate Foster oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ee ay Soomaaliya ku joogi doonto.

Sida aan la socono safiirkan cusub ee lasoo magacaabay ayaa kusoo aaday xilli kala guur ah, iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ku ekaa 08 Febaraayo, ayuu maanta ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee UK isagoo muddo bil ah ku fadhiya kursiga si hareer marsan sharciga waddanka, dowladda Ingiriiska ayaa soo magacawday sariifkii kan ka horreeayay xilligii kala guurka ee dowladdii Xasan Sheekh ee lixda bilood sida sharci darrada ah ugu darsatay, waxayna dowladda Ingiriisku diidday inuu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo madaxweyne Waqtigiisu dhammaaday.

Tallaabadan maanta uu Farmaajo kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ayaa aad udhaliili doonaan sharci yaqaanada sida aadka ah ula socda arrinta Soomaaliya, waxaana dowladda Ingiriiska ay ku noqon doontaa tallaabo ay qaadday iyadoo aan ka fiirsan!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.