Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Carro dadweyne ayaa ka dhalatay tallaabada uu Farmaajo uu ku xiray jidadka, oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xiran Maanta jidadka Muqdisho, kadib markii Farmaajo uu kusoo daadiyay Ciidamo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Ciidamada dowladda ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn, ardayda Iskuuladda u socota iyo bukaanada Isbitaallada usoo kalahay, iyagoo celinaya gaadiidka dadweynaha, waxaana meelaha qaar la ogoleyn xitaa in lagu lugeeyo.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Mucaaradka ay ku dhawaaqeen inay Maanta qabanayaan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Farmaajo, oo lagu eedeeyay inuu xukun kaligii talis ah dalka ku maamulayo.
Lama oga inta maalmood ee ay xirnaan doonaan wadooyinka Caasimadda oo horey shacabka dhibaato ugu qabeen dhagxaanta lagu jaray iyo xirnaanshaha joogtada noqday, oo caqabad ku ah nolosha iyo ganacsiga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments