Farmaajo waa dagaal ooge soo daahay

Muqdisho waxa ay maanta marti-galineysaaa iska hor-imaadyo iyo dagaal toos ah oo u dhaxeeya Siyaasiyiin kala aragti duwan muddo kadib, taas waxaa sabab u ah Kali-talis Farmaajo oo diiddan inuu dalka ka qabto doorasho loo dhan yahay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo waa dagaal ooge soo daahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sidoo kale Farmaajo wuxuu shacabka Muqdisho u diiday, qeyb ka mid ah xuquuqdooda oo ah in ay bannaan-bax nabadeed ku muujiyaan aragtidooda, waxaa lagu xasuustaa inuu Xamar oo dhan uu meel kasta dhagax ku jaray markii uu yimid, taas oo xitaa qasab ka dhigtay in hooyooyinka muqdisho ku sugan ku umulaan waddooyinka.

Dadka Gobolka Banaadir wuxuu hore ugu diiday in ay in Meydkooda gawaari ku qaataan, waxyna afarti sano ee uu joogay garbaha ku wateen dadka ka geeriyooday.

Ciidamada uu Farmaajo soo diray waxa ay mid ka mid ah qoryaha wax guba ku dhufteen qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxayna xabadda garoonka gubtay u wadeen gaariga aan xabaddu kari Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Rajiimka waqtigiisu dhamaaday waxuu xalay amray in la weeraro guriga ay Muqdisho ka dagan yihiin Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka uu soo saaka soo diray ciidamo u socday in ay dilaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaanna Soomaaliyeed iyo dad shacab ah.

Kadib dagaaladii Hoggaamiya Kooxeedyada ee Muqdisho, maanta waxa ay noqonysaa narkii koobaad ee Xamar marti-galiso dagaallo sidaan ah oo aan Al-Shabaab ka dhan ahayn, waa taariijh madow iyo dib u laabasho uu Farmaajo masuul ka yahay.

KEYDMEDIA ONLIN

Commenting is not available in this channel entry.