Farmaajo waxaa looga yeeri doonaa teendhadii lagu doortay

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaaa xaqiijiyay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Farmaajo berri mar kale looga teeri doono teendhadii lagu doortay 4 sano kahor.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo waxaa looga yeeri doonaa teendhadii lagu doortay

MUQDISHO, Soomaaliya – Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibanada uu waqtigoodu dhamaaday ayaa sheegay in Farmaajo ku fashilmay dhan kasta muddadiisina uu ku dhameysaty isaga oo an cidna heshiis la ahayn.

Xildhibaan Mahad wuxuu  caddeeyay in shirka la filayo inuu qabsoomo usan Famaajo qorshihiisa waxba ku lahayn oo Beesha CaalamkAaay soo abaabuleen, amnigiisana ay sugayaan ciidamada AMISOM.

Mahad Salaad wuxuu xusay in qeyb ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada ee shirka ka qeyb galaya aysan Farmaajo u aqoon saneyn Madaxweyne, halka uu ku tilmaamay nin ku eedeysan danbiyo uu dalka ka galay.

“Farmaajo afar sano kadib, Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meel marinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!” ayuu Mahad Salad ku yiri qoraalkaan gaaban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in ay birri magaalada Muqdhiso  ku soo aruraan Madaxda Maamul Goboleedyada oo qaarkood ay ku maqan yihiin dalka dibaddiisa, si uu u biillowdo shirka lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.