Farmaajo wuxuu kala qoqobay qabiilkiisa- Suldaanka Mareexaan

Kadib markii uu cagta mariyay guud ahaa Soomaalidii kale, Farmaajo wuxuu ugu danbayn kala fadilay qabiilkiisa, waxaana si joogto ah shirar  jaraa’id u qabanaya Salaadiin ku heyb ah oo Soomaalida kaga digaya in aysan mar kale ku kadsoonin Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo wuxuu kala qoqobay qabiilkiisa- Suldaanka Mareexaan

MUQDISHO, Soomaaliya – Afar sono oo guud ahaan dalka uu kala gaarsiiyay guuxa qabyaaladda iyo ka qoqob aan hore u dhicin, waxaa ugu danbayn soo baxaya inuu kala fadilay qabiilka uu ka dhashay ee Mareexaan, isla markaana uu inta ku heebta hoose ah maahane, intii kale ka fogeeyay darka Siyaasadda.

Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Wegerdhac ee degta Galmudug, oo shir jaraaa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay musiibo dalka loo soo diray, isla markaana uusan mar kale noqon karin Madaxweyne Soomaaliyeed.

Wuxuu ku eedeeyay inuu Soomaali kala geeyay, halkii uu isku soo dhaweyn lahaa, isla-markaana uu meel kasta ka abuuray fidno qabyaaladeed, taas o sababtay in gobol kasta ay maanta ka holcayaan dagaallo sokeeye oo Farmaajo falkiyay.

“Guud ahaan umadda Soomaaliyeed dagaal ayaad la gashay, dagaal ooge cidna Madaxweyene kama dhigan karto, Soomaali kale iska daaye xitaa qabiilkiii aad ka dhalatay ayaa kala fadishay, Madaxweyne Soomaaliyeed uma qalantid mana noqon kartid”. Ayuu yiri Suldaan Bayle Cumar.

Umadda Soomaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ka foojignaadaan, Farmaajo, oo uu ugu yeeray shaqsigii ugu qabyaaladda badanaa ee taariikhda Soo mara xilka Madaxweynaha dalka, wuxuuna wax garadka umadda ku booriyay in ay baddalkiisa si degdeg ah uga fakaraan.

Suldaan Bayle Cumar, wuxuu xusay in Farmaajo uu lacagta ugu badan oo ah xoolaha dad weynaha uu ku bixiyo in la amaano, loona nisbeeyo wax qabad aan waxba ka jirin, si uu u marin habaabiyo haweenka iyo carruurta aan sida qododa dheer u fakarin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay, in Farmaaajo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee qabyaalad qaawan bannaanka la yimid, kadib markii uu diiday xal kasta oo laga gaari lahaa arrinka Gobolka Gedo oo beeshiisu degto, isla markaana uu hadda fargalin xooggan ku hayo arrimaha doorashooyinka ee labada gobol ee dadka ku heybta ah ku noolyihiin.

Wuxuu xusay in Farmaajo sababay in Soomaali oo dhan ay karaahsato magaca Mareexaan, taas oo sababi karta in aan dib danbe aan xil umadeed loogu aaminin.

“Beesha Hawiye, waxaan leeyahy oo Soomaaliya hormuudkeedii ah, oo gosha Muqdisho fadhisa, Farmaajo waa tagayaa ee adinka waxaan idinka rabnaa, in aad keentaan Madaxweyne aan abaalkii aad noo gasheen iyo soo dhaweyntii taariikhiga ahayd ee aad noo sameyseen aan u gudno, oo sidii aad Farmaajo u soo dhaweyseen aan u soo dhaweno ulana shaqeyno”. Ayuu yiri Suldaan Bayle Cumar.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.