Farmaajo: Aniga kama bixin Siyaasada

R.wasaarihii ugu taageerada badnaa Soomaaliya ee lagu casilay amar ka soo baxay xafiiska Mahiga Max’ed C.llaahi Farmaajo ayaa sheegay in wali hami uu ka leeyahay Siyaasada soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Farmaajo: Aniga kama bixin Siyaasada

Farmaajo oo shacab ku sugan Maraykanka hadal u jeediyay ayaa sheegay in iminka kaalintiisa ay tahay inuu xanaf tiro qaladaadka ka dhacaya mas’uuliyiinta soomaalida isagoona xusay in mustaqbalka wareegtada in ay ku timaado ay suurta gal tahay.

Waxa uu Dalka R.wasaare ka ahaa Farmaajo mudo lix bilood ah waxaana uu kasbaday dhamaan qalbiyada shacabka Soomaaliyeed kadib dadaal uu ku dhaqaaqay.

Waxayaabaha ugu badan ee lagu colaadiyay ayaa waxaa ka mid ahaa hamiga Soomaalinimada uu aad ugu dheeraa.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.