Faroole iyo Mahiga oo Rucle Ugu Jira Sidii Ra’iisul Wasaare Loogu Magacabi Shaqsi Ka Soo Jeeda Puntl

Muqdisho (KON)- Waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soo gaaray xubno siyaasiin ah oo ka socota Puntland kuwaasoo u gogal xaaraya sidii xilka Ra'iisul Wasaaranimada loogu magacaabo lahaa shaqsi ka soo jeeda Puntland, ayadoo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu suxul duub iyo rucle ugu jiro sidii jagada Ra'iisul wasaaraha ey u heli lahaayeen Puntland.
Warar Keydmedia Online
Faroole iyo Mahiga oo Rucle Ugu Jira Sidii Ra’iisul Wasaare Loogu Magacabi Shaqsi Ka Soo Jeeda Puntl

Warar hoose oo ay Keydmedia ka heshay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamduud ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu gabi ahaanba ku gacan seyray in shaqsi ka soo jeedo Puntland loo magacaabo Ra'iisul wasaare, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Ra'iisul wasaare loo magacaabi doono shaqsi u dhashay beesha Mareexaan.

Ruclaha Faroole ee ah in Ra'iisul wasaare loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Puntland waxaa ku gacan siinaya oo gadaal ka riixaya Ergeyga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Aguastin Mahiga oo isagu xaaskiisu ay ka soo jeedo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasam Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maalmihii la so dhaafay uu kulamo gooni gooni ah la lahaa Xildhibaano, Siyaasiin kala duwan iyo Ururada bulshada waxaana uu kala tashanayay magacaabista Madaxweynaha.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho