Faroole: “War Anaku waxaan Gaalkacyo kula Dagaalamnay waa Burcad Badeed”

Gaalkacyo (KON) - Kadib markii Bulshada Waqoojiga Magaalada Gaalkacyo ay kasoo horjeesatay Xisbiga Cabdirixmaan Faroole ee Horseed, ayuu Faroole Asigoo ka hadlaya Banaanbixii ka dhacay Gaalkacyo ku tilmaamay Shacabkaas "Burcad Badeed iyo Shabaab iskaashanaya oo hortaagan Xasiloonida Maamulka Puntland".
Warar Keydmedia Online
Faroole: “War Anaku waxaan Gaalkacyo kula Dagaalamnay waa Burcad Badeed”

"Nimankaan waan naqaanaa oo waa Niman ku taajiray Burcad badeednimada, Qaarkoodnah waxaa Gadaal ka riixaya kuwo Dowladda KMG Madax ka ahaan jiray, waan naqaanaa" sidaas waxaa yiri Faroole.

Iska Horimaad ay ku dhinteen Afar ruux ayaa Arbacadii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dad kasoo horjeeda Xisbiga Cabdirixmaan Faroole.

Banaanbax balaaran ayaa kadib ka dhacay Gaalkacyo, iyadoo ay iskugu soo baxeen Kumanaan oo ka caraysan Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo kana soo horjeeda Xisbiga Faroole.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo