Farriinta Guddoomiyaha Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed

Guddoomiyaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa farriin cad u diray Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Farriinta Guddoomiyaha Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho kaddib farriintii xalay loo diray xildhibaanada Golaha Shacabka ee mooshinka ku saabsan Doorashooyinka Qaranka, taasoo ay ku hoos qarsoontahay Muddo kororsi!

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri "Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2 -doodaba waatigoodii wuu dhammaaday, mana la aqbali karo muddo kororsi sharci darro ah, mana rabno waana dhibaato horleh."

Shacabka ayuu kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ay dareenkooda bannaanka keenaan islamarkaana ay ka hor tagaan qorshaha sharci darrada ah "Shacabka Soomaaliyeed waxaa kasaaran masuuliyad in ay difaacaan Sharciga ayna gacmaha is qabsadan." ayuu sii raaciyay guddoomiye Shariif.

Sidoo kale ciidamada lasoo dhoobay waddooyinka ayuu si hordhac ah ula dardaarmay isagoo xasuusiyay in ay gutaan waajibaadka qaran ee saaran "Ciidanka Qaranka oo maanta tahay sanad guuradooda ee larabo in lagu mashquuliyo Xildhibaanada in ay jidadka u istaagaan, waxaana leenahay kafogaada in la idin adeegsado siyaasada.

Ugu dambeyntiina wuxuu farriin toos ah u diray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo isagoo u sheegay in aan laga yeeli doonin damaca ku jira ee muddo kororsiga "Qofkii rabo in uu dalkaan xukumo waa in uu doorasho galo, wixii aan intaas aheyn cidna lagama yeeli doono."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].