Fatahaadihii Sh.dhexe oo laga dhaxlay Cuduro

Wararka aynu ka heleyno Gobalka Sh.dhex ayaa sheegaya in fatahaadii wabiga uu ka sameeyay gobalkaasi laga dhaxlay cuduro.
Warar Keydmedia Online
Fatahaadihii Sh.dhexe oo laga dhaxlay Cuduro

Waxaa la sheegay in dadka ku dhaqan Gobalkaasi iminka ay la daala dhacayaan cuduro ay ka mid yihiin Duumada iyo shubanka kuwaa oo inta badan loo sababeynayo fatahaadii Wabiga Shabelle.

Inta badan caruurta iyo Haweenka ayaa si weyn looga dareemayaa dhibaatooyinka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Isbitaal ay maamusha Hey'adda Dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF.

Xili roobaadyada ama fatahaadaha ayaa dhulka dhoobeeyda ah ama jiinka wabiga waxaa si weyn looga dareemaa dhibaatada duumada.

www.keydmedia.net




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.