FEIT doorashadda Soomaaliya malagu aamini karaa?

Gudiga waxaa hogaankiisa iyo xubnihiisa ku jira Xubno horey loo eedeeyay, oo kusoo dhex-tuureen Fahad iyo Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
FEIT doorashadda Soomaaliya malagu aamini karaa?

MUQDISHO, Soomaaliya - Su'aallo badan ayaa dul-saaran dhex-dhexaadnimada iyo madaxbanaanida Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal [FEIT], kaasoo ay ku jiraan xubno lagu eedeeyay inay xiriir dhaw la leeyihiin Farmaajo, oo ah Musharax xilka Madaxweynaha u tartamaya markii 2aad.

Keydmedia Online ayaa bishii June soo daabacday Warbixin baaritaan ah [Halkan ka akhri], oo ku saabsan magacyada shaqsiyaadka aan dhex-dhexaadka ahayn, ee katirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaasha Farmaajo, ee aan laga saarin Gudiyadda doorashadda.

FEIT ayaa ah halka ugu badan ay ku jiraan shaqsiyaadka kusoo baxay Warbixinta KON, waxaana kamid ah ninka Gudoomiyaha looga dhigay Maxamed Xasa Cirro, oo jagada markii labaad loo doortay, isagoo sidoo kale aan lagu soo darin liiska xubnihii laga saarey gudiyadda

Waa shaqsi la sheegay inuu Fahad Yaasiin ku xisaabtamayo, oo uu doonayo inuu kusoo saaro liis dheer oo Xildhibaanno ah, oo daacad u ah Villa Somalia, kuwaasoo la qorsheeyay inay u codeeyaan Musharax Farmaajo doorashadda October 10.

Farmaajo ayaa sameeyay waxkasta oo uu awoodo si uu u musuq-maasuqo doorashadda oo si dhab leh iyo qori caaradiisa lagu ogoleysiiya inuu qabto kadib markii uu dabcay inuu xukunka daba-dheeraysto, oo labo sano oo sharci darro ah ku darsado bishii April 2021.

Villa Somalia ayaa hadda sida ay Keydmedia Online ogaatay ka shaqeynaysa, qeyb kamid ahna ku guuleysatay kala-qeybinta Musharixiinta mucaaradka ah, kuwaasoo qaar la aamusiyay kadib markii xubno loogu daray gudiyadda, qaar kale oo CC Warsame kamid yahay weli tooshka ayay ku hayaan khiyaanooyinka iyo musuq-maasuqa Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.