FIET oo dooratay gudoomiye Xafiiska Rooble laga taageeray

Bishii hore ayaa la cayriyay Gudoomiye Cirro, oo lagu eedeeyay inuu u musuq-maasuqayay Farmaajo doorashadda kuraasta Baarlamaanka.

Warar Keydmedia Online
FIET oo dooratay gudoomiye Xafiiska Rooble laga taageeray

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida Keydmedia saakay soo qortay, doorasho tartankeeda adag yahay ayaa ka dhacday Maanta magaaladda Muqdisho, taasoo uu sameeyay Gudiga FEIT.

FEIT oo lo soo gaabiyay Gudiga Hirgelinta Doorashadda Heer Federaal ayaa u doortay Muuse Geelle Yuusuf, oo kasoo jeeda Puntland inuu noqdo gudoomiyaha, isagoo bedelaya Cirro.

Waxaa la tartamay Musharax lagu magacaabo C/raxiin C/casiis Aadan, oo kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo laga taageerayay Xafiisyada Farmaajo iyo Lafta-Gareen.

Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka C/raxiin ku guuleystay 11 cod, waxaana codadka dhiibanayay xubnaha gudiga FEIT oo ka kooban 25, kuwaasoo uu magacaabey RW Rooble 2021.

Maxamed Xasan Cirro ayaa labo jeer Gudoomiye ka noqdey, isagoo ugu dambeyn la eryay Dec 2021 markii lagu helay musuq-maasuq iyo inuu kuraasta u boobayay MD hore Farmaajo.

Gudoomiyaha Cusub waxaa la sheegay inuu taageero ka helay Xafiiska Rooble, MD Puntland Saciid Deni iyo xubno kamid ah Mushariixinta Mucaaradka, sida Keydmedia ay ogaatey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.