G. Maxkamadda Sare oo lagu Eedeeyay Cadaalad darro

Muqdisho (KON) – Garyaqaan C/rashiid ayaa ku Eedeeyay G/miyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan aheyn Garsoore Caadil ah sidaas daraadeed usan qadi karin dacwoyinka qaarkood.
Warar Keydmedia Online
G. Maxkamadda Sare oo lagu Eedeeyay Cadaalad darro

Garyaqaan C/rashiid oo ka mid ah Qareenada ka hawlgala caasimada Soomaaliya oo Shalay la hadlay Warfidiyeenada ayaa waxa uu ku Eedeeyay G/miyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan wax ku Garsoorin si Cadaalada waafaqsan.

Waxuu kaloo hadalkiisa ku daray “ Da’diisa waa ay ka sareysaa 65 jir sidaa aawgeeda Xeerka ayaanba u ogolaaneynin Xilkaan inuu sii hayo oo loo diibaa Masuul Caddalad ugu Garsoora Bulshadda sida Islaanimada iyo qeynuunku na farayo” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdi Rashiid.

Keydmedia.net