Gaadiid iyo agab lagu wareejiyay Taliye Odowaa

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miinooyinka ee UMAS ayaa gaadiid iyo agab kale ku wareejisay taliya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa

Warar Keydmedia Online
Gaadiid iyo agab lagu wareejiyay Taliye Odowaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'ada UNMAS oo Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabashada miinooyinka, ayaa maanta taliska Ciidanka xoogga dalka waxay ku wareejisay gaadiid iyo agabyo kale oo ciidan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyeen taliye ku-xiggeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, ayaa gaadiidkan kala wareegay Hay’adda UNMAS, Waxaana uu uga mahad celiyey garab istaaggooda.

Hay'adaha Qaramada midoobay ayaa ka qeyb qaata taakuleynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ciidamada xoogga dalka maanta lagu wareejiyay gaadiid.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.