Gaadiidleyda Dekadda Muqdisho oo Amisom ka cabaneysa

MUQDISHO(KEYDMEDIA ) Milkiilayaasha gaadiidka ka shaqeesta dekadda Magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxa ay cabasha xoogan ka muujinayaan ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Gaadiidleyda Dekadda Muqdisho oo Amisom ka cabaneysa

Max’ed Axmed Max’ed oo ka mid ah gaadiidleyda ayaa u sheegay warbaahinta in Amisom ay gabi ahaanba ka burburisay Gaari uu ku shaqeysan jiray xili gaarigiisa uu ku sugnaa gudaha dekadda magaalada Muqdisho.

“ Saraakiishooda waan la hadalnay, waxaana aan daba taagnaa mudo 7 bilood ah, mana jirto ilaa hadda jawaab rasmi ah oo ay I siiyeen, waxay  igu yiraahdeen arintaada IGAD ayaa loo gudbiyay, laakiin aniga ma hayo wax aan ku mareeyo nolasha caruurteyda” sidaa waxaa u sheegay warbaahinta Milkiilaha Gaariga ay Amisom burburisay Max’ed Axmed Max’ed.

Inta badan ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhibaato u geestaan shacabka ku nool magaalada  Muqdisho, iyadoona la xasuusanyahay in ciidamada ay xiliya kale  dhibaato u geesteen shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

WWW.KEYDMEDIA.NET