Gaalkacyo: Qarax Ismiidamin oo lala eegtay ilaalada RW Rooble

Qarax Xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaaso lala beegsaday ilaalada RW Rooble. 

Warar Keydmedia Online
Gaalkacyo: Qarax Ismiidamin oo lala eegtay ilaalada RW Rooble

Ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey Albaabka laga galo garoonka ciyaaraha ee C/laahi Ciise o ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka socotay munaasabad lagu soo dhoweynayo Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor. 

Qaraxan waxa ay waxyeello xooggan kasoo gaartay ilaalada RW Rooble iyo sidoo kale dad shacab ah oo halkaasi ku sugan.

Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab ee Gaalkacyo Marsho, duqii horee Gaalkacyo dhanka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qaraxaasi, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Weli lama xaqiijin khasaaraha guud inta uu la egyahay, waxaana xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Kala soco wixii kusoo kordha warkaan bogga wararka ee Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.