Prof. Gaandi oo geeriyoodey

Professorka waxuu soo noqday Wasiirka difaaca dowladda KMG ee Sheekh Shariif.

Warar Keydmedia Online
Prof. Gaandi oo geeriyoodey

PARIS, France - Waxaa Maanta Isbitaal ku yaalla dalka France ku geeriyooday Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, oo kamid ahaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad.

Prof. Gaandi waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuusanaa Isbitaalka uu Maanta ku dhintay, iyadoo aan wali la shaacin sababta geeridiisa.

Professoorka waxaa uu ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweyne sanadkan 2021ka, isaga oo dhinaca kalana ahaa Aqooyahan wax ka dhiga Jaamad ku taala dalka Faransiiska.

Wuxuu soo noqday Wasiirka difaaca dowladdii Sheekh Shariif.

Agaasimaha Warbaahinta Keydmedia Online Cali Saciid Xassan iyo Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii uu ka geeriyooday Marxuum Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumka Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].