Gaandi oo Xilka ka Qaaday Taliyaha Guud ee Ciidamadiisa

Kismaayo (Keydmedia) - Dagaal-ooge Gaandi oo kamid ah ragga calooshood u shaqeystayaasha ah ee dalka ku soo hogaamiyay Ciidamada adoonta Kenyaanka ah ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday ninkii Maleeshiyaadkiisa ugu magacaabanaa Taliyaha Guud kaasoo lagu magacaabi Jiray Yuusuf Axmed Dhuumal.
Warar Keydmedia Online
Gaandi oo Xilka ka Qaaday Taliyaha Guud ee Ciidamadiisa

Xil ka qaadista lagu sameeyay Mr Dhuumaal ayaa timid kadib markii Gaandi uu ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii uu u wakiishay Gaandi  kaasoo ahaa in Ciidamada Kenyaanka ah uu dadka iyo dalka ku xasuuqo, inkastoo ay sidoo kale jiraan khilaaf soo noq noqday oo dagaal-galiyaasha Gaandi u dhaxeeya.

Ilaa hadda Dhagar-qabe Gaandi ma uusan soo magacaabin Taliye guud oo cusub waxaana howlgalada u sii wadi doona nin kale oo u u wakishay xasuuqa iyo bur burinta dadka.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo