Ahlu-suna iyo Shabaab oo ku dagaalamaya Galguduud

GALGUDUUD(KEYDMEDIA) Waxaa saakay qeyba ka mid ah gobalka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ka bilowaday dagaal u dhaxeeya Ahlu-suna iyo kooxda Shabaab, waxaana dagaalkaasi uu si toos ah uga socdaa deegaanka Dhagaxyaala oo ku dhaw Waradhuuma leh oo ay labada dhan kol hore ku dagaalameen.
Warar Keydmedia Online
Ahlu-suna iyo Shabaab oo ku dagaalamaya Galguduud

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii dhalinyaro ka tirsan shabaabka ay ka soo ruqaansadeen dhanka waradhuuma leh halkaasoo ay ku sugnaayeen iyagoo hamiyay in ay xoog ku galaan deegaana Guriceel iyo dhuusamareeb ee ahlu-suna ay maamusho.

Warar horudhac ah oo laga helayo dagaalkana waxay sheegayaan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac uu kala gaaray dhinacyada, iyadoona warbaahinta ku hadasha codka Shabaabka ay ku celcelineyso warar tilmaamaya in gacanta sare ee dagaalka ay iyagu leeyihiin wallow dadka deegaanka ay arimahaasi been abuur ku tilmaameen.

Xoghayaha Warfaafinta culimada ahlu-suna C.llaahi C.raxmaan (Abuu yuusuf Alqaadi) oo aan isku daynay in aan la hadalno si dagaalka aan xog uga helno ayaanay inoo suurta galin in aan telfoonka ku haleelno.

 Www.keydmedia.net