Gaas: Soomaaliya waxaa lagu hayaa faragelin shisheeye

Gaas ayaa qaba in xaaladda Soomaaliya degi lahayd haddii la weyn lahaa dal shisheeye oo faro-geliya dalka.

Warar Keydmedia Online
Gaas: Soomaaliya waxaa lagu hayaa faragelin shisheeye

Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, C/weli Maxamed Cali Gaas aya sheegay iney jiraan dalal shisheeye oo faragelin ku haya Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in dalalkaasi ay mar walbo xoogga soo saaraan dalka waqtiyada doorashada, islamarkaana ay qarashaad ku bixiyaan shaqsiyaad ay wataan.

Lacago badan ayuu sheegay in dalka ay soo geliyaan, kuwaasi oo lagu carqaladeeyo hannaanka siyaasadda guud ee Soomaaliya.

"Faragelinta dowladda iyo lacagaha dibadda ee Soomaaliya imaanaya waxaa aad u xun in saameyn ay ku yeelato doorashada, mana aqaan sida looga nabadgelayo, qoloba qole ayeey wadataa" ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa rajo ka muujiyey in uu yaraan doono musuqa doorashooyinka ee dalka, mar haddii la kordhiyey tirada ergada soo dooraneysa xildhibaannada.

"Waxay ila tahay mar haddii ergada doorashada la gaarsiiyey 101 wey dhici kartaa in musuqu yaraado, waayo intaas oo qof lacag looma heli karo, walow aan la ogeyn dadkaan meesha ay lacagta ka keenaan"

Dalal shisheeye ayaa xilli walbo faragelin ku haya guud ahaan Soomaaliya, iyaga oo adeegsanaya dad Soomaaliyeed, kuwaas oo lacago badan lasoo siiyey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.