Gabar la kufsaday kadibna dabaq laga soo tuurey

Xamdi Maxamed Faarax, oo ahayd gabar aad u da'yar, kana baxday sanadka Dugsiga Sare ayaa xalay lagu kufsaday magaaladda Muqdisho, iyadoo kadibna laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah.

Warar Keydmedia Online
Gabar la kufsaday kadibna dabaq laga soo tuurey

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag manaxayaal ah ayaa nafta dhaafiyay gabar sanadkan dhameysay waxbarashadda Dugsiga Sare, taasoo lahayd mustaqbal wanaagsan oo ifaya.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa loo geystay kufsi-wadareed kadibna waxaa laga soo tuurey dhismo dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir habeenkii xalay.

Qoyskeeda ayaa xalay lagu wargeliyay in meydka gabadhooda yaallo Isbitaalka Madiino, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in Xamdi dhowr qof lagu kufsaday kadibna laga soo tuuray dabaqa, oo la sheegay inuu ahaa hotel.

Gabadhan falka foosha xun lagula kacay ayaa meydkeeda lagu aasay qabuuro ku yaalla degmada Deyniile oo ahayd halkaasi ay ku noolayd, waxna ku baratay. Waxay shalay kasoo tagtay gurigooda, balse dib uguma laaban xalay iyadoo nool.

Booliska ayaa xiray lix qof oo la tuhmayo, iyadoo kiiska kufsiga iyo dilka isagu jira uu yaalla xarunta CID-da, oo lagu baarayo, inkastoo aan la ogeyn in cadaalad ay heli doonto Xamdi maadaama falal noocan ah oo horey u dhacay cidna wax ka qaban.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.