Gabar saqiir ah oo si naxdil leh loogu dilay Muqdisho

Meydka gabar 10 jir ah oo la raadinayay saddexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa laga helay gurigii ay ku nooleyd iyadoo si xun nafta loo dhaafiyay.

Warar Keydmedia Online
Gabar saqiir ah oo si naxdil leh loogu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Nafiso Cumar Cabdullahi ‘Geelle’, oo ah gabar 10 jir ah oo raqdeeda iyo ruuxeeda la raadinayay saddexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa maanta la helay meydkeeda, oo ku jira digsi yaalla isla gurigii ay ku nooleyd.

Sida ay xaqiijiyeen ehelka gabadha meydkeeda la helay, Nafiso, si xun ayaa loo jir dilay, ka hor inta aan nafta la dhaafin , isla markaana labada gacmood iyo labada lugood ayaa laga xiray, waxaana lagu riday digsi weyn oo yaallay isla gurigii ay joogtay.

Ku dhawaad 8 ruux oo ku noolaa guriga meydka laga helay oo ay ku jiraan gabdha hooyadeed iyo aabaheed ayaa xabsiga la dhigay dhawaan, waxaana socda baaritaan la xariira kiiskan.

Arrintan ayaa ka dhacday degmada Dherkeeley ee gobolka Banaadir, waxayna bulshada ku abuurtay walaac xooggan.

Falalka ceynkaan ah ee ka dhanka ah gabdhaha da’da yar ayaa aad ugu soo batay degaannada Soomaalida.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.