Gabar yar oo lagu kufsadey Burco

Hodan Saciid Aadan waxay ahayd 18 jir, oo Iskuulka Dugsiga Dhexe ka baxday, islamarkaana lahayd hami iyo mustaqbal ifaya.

Warar Keydmedia Online
Gabar yar oo lagu kufsadey Burco

BURCO, Soomaaliya - Waxaa ka socda Burco dibadbax ay dhigayaan dadka degaanka, kaasoo looga soo horjeedo kufsi iyo dil loo geystay Gabar yar oo lagu magacaabo jiray Hodan Saciid Aadan, taasoo hadda meydkeeda yaalla Isbitaallka Burco.

Hodon oo 18 jir ahayd ayaa koox rag ah oo manaxayaal ah ku kufsadeen Degaanka Gumburaha ee duleedka Magaalada Burco, kadibna isla goobta ku dilay, sida uu sheegay Aabaheeda, oo Maanta Warbaahinta la hadlay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.