Gabdho laga dhoofin rabay Muqdisho oo Garoonka lagu qabtay

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali [Doodishe] ayaa sheegay in la qabtay shabakad isku xiran oo ka kooban 27 qof, oo 22 gabdho yihiin, 3 rag ah iyoo labo kale oo dhoofinayay.

Warar Keydmedia Online
Gabdho laga dhoofin rabay Muqdisho oo Garoonka lagu qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo ifbaxay oo booliska soo bandhigeen ganacsi qarsoodi ahaa, oo gabdho dhalinyaro ah dibadda looga dhoofin jiray magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali [Doodishe], oo Shir jaraa'id ku qabtay xarunta CID-da, ayaa sheegay in Garoonka Muqdisho ay 8-dii bishan ku qabteen 27 qof, oo 22 dumar yihiin, 3 rag ah iyoo labo kale oo dhoofinayay.

Sadiiq ayaa xusay in Gabdhahan sifo sharci darro ah loogu wadey dibadda, iyadoo aysan ka warqabin waalidiintooda oo qaarkooda Wabrasho usoo dirsadeen, wuxuuna sheegay in kuwa ganacsigan dhoofinta Gabdhaha baaritaan uu ku socdo.

Waa arin dadkoo dhan ka yaabisay, oo ku cusub dhegahooda in Muqdisho laga dhoofiyo Gabdhaha yaryar ee Iskuuladda iyo Jaamacadaha dhigta, kuwaasoo ay Maskaxda laga xado kadibna looga wado dalka balan-qaadyo been ah, iyagoo aan ogeyn halka loo wado iyo ujeedka.

Afhayeenka booliska wuxuu ugu baaqey waalidiinta inay ka warhayaan marwalba Caruurtooda, gaar ahaan Gabadhaha aysan la socdaan dhaq-dhaqaaqooda si aysan ugu gacan galin shabakadaha ka ganacsada dumarka.

Dhaqamo xun-xun ayaa kusoo kordhay Muqdisho intii uu Farmaajo Madaxweynaha ahaa, waxaana kamid ah fisqiga oo aad u buux dhaafiyay Xeebta Liido, oo qamriga lagu cabo habeenkii, halkaasoo gabadho badan ku waayeen mustaqbalkooda.

Waxaa sidoo kale huteelladda ka socda waxyaabo aan ku wanaagsanayn diinta Islaamka, iyadoo ay howlgab noqotay wasaaradda arrimaha diinta oo shaqadeedii inat qabsato ku fashilantay, iyadoo uu meesha ka maqan yahay doorkii Culimada ee wacyigelinta bulshadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.