Gal dacwadeedkii Cabdirashiid Janan oo lasoo xiray

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo xiray gal-dacwadeedkii Cabdirashiid Janan, Wasiirkii Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Gal dacwadeedkii Cabdirashiid Janan oo lasoo xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdi Janan) oo loo heystay dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay dacwad ku aaddan Janan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa Cabdirashiid Janan.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa ku qasbay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka inuu xiro dacwada ina adeerkiis Cabdirashiid Janan oo horay u galay dambiyo dagaal.

Hay'adda Amnesty International ee u doodda xuquuqda aadanaha ayaa horay u dalbtay in la maxkamadeeyo Cabdi Janan isagoo loo haysto dad uu bac madaxa ugaliyay kaddibna wabiga ku tuuray, sidoo dilka afar ruux oo mid kamida ay haweeney tahay ayuu toogtay habeenimo intuu xabsiga kala soo baxay.

Cabdi Janan ayaa loo haystay dambiyo la xiriira xad-gudub, balse Xeer ilaaliyaha ayaa soo xiray dacwada isagoo meesha ka saaray dhibaatooyinkii uu geystay Cabdi Janan.

Keydmedia Online ayaa dhawaan qortay in Janan uu ku bedeshay soo xogta Axmed Madoobe in ka badan labo milyan oo dollar, oo Fahad Yaasiin u balan-qaaday, waxaana la ogeyn in balanta loo fulin doono iyo inkale. [Halkan ka akhri Warbixinta]

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.