Niman Jarayay Dhirta oo lagu Xiray Galgaduud

Xeraale (KON) - Ciidamada Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa Gacanta ku dhigay 10 Ruux oo la sheegay in ay kamid ahaayeen Dadka jara dhirta, Dhuxushana ka Ganacsada.
Warar Keydmedia Online
Niman Jarayay Dhirta oo lagu Xiray Galgaduud

Dadkaan ayaa waxaa lagu qabtay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, xili ay ku howlanaayeen Jaritaanka Dhirta.

Sarkaal ka mid ah Ahlusunna oo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Maxamed Cali ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay Xabsiga dhigeen Tobankaan Ruux oo dhawaana Maxkamad la soo taagi doono.

"Waxaan ku qabanay Dadkaan iyagoo shidaya Dhuxusha, waxaa jira kuwo naga fikaday oo aan ku raadjoogno" Sidaa waxaa yiri C/casiis.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa Deegaanada ay ka Arrimiyaan waxaa ay ka Mamnuuceen in la Shito Dhuxusha islamarkaana Dhirta la jaro.

Waana markii Saddexaad oo Ciidamadda Ahlusunna ay Galgaduud ku qabtaan Dadka ka Ganacsadda Dhirka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho