Galmudug: Ciidamada ammaanka oo howlgal ka sameeyey Hobyo

Howlgalkan oo bilowday xalay ayaa illaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray.

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Ciidamada ammaanka oo howlgal ka sameeyey Hobyo

Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa NISA ayaa howlgal ballaaran waxay ka sameeyeen magaalada Hobyo, iyadoo howlgalkan ay ciidanku dad badan kusoo qab-qabteen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag ka shaqeynayey falalka amni darri, kuwaasi oo hadda baarotaanno ay u socdaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.